Torres oo 25 saac kadib gool dhaliyey

Kadib marki uu soo gaba gabeeyey abaarti ka heysatay xaga goolasha ayuu weeraryahanka Chelsea Fernando Torres ka hadlay sida uu ugu faraxsanyahay arrintaasi.

Torres bartilmaameed ka ahaa kulan ka tirsanaa wareega sideeda ee koobka FA Cup oo ay kooxdiisa Chelsea 5-2 kaga awood roonaatay naadiga Leicester City.

Xidigaan reer Spain ayaanan wax gool ah dhalinin 25 saacadood oo uu garoonka ku jiray 26 kulan oo uu saftay, laakin ugu danbeynti ayuu helay kalsoonida garoonka Stamford Bridge sidoo kalana waxa uu ka caawiyey goolasha kale oo qaarkood uu dhiibay.

“Waan u baahnaa goolashaasi, aad ayaan u shaqeynayey sidi aan u heli lahaa, waxaan kale oo aan kuu sheegayaa in kooxda ay haatan ka wanaagsantahay sidi ay aheyd bishi hore waxaana filayaa in sadexdi kulan ee ugu danbeysay aan ka fiicnen sidi hore,” ayuu yiri Torres oo wareysi siiyey ESPN.

Chelsea ayaa kasoo reyneyso sidi ay awal aheyd tan iyo marki ay eriday macalinki hore Roberto Di Matteo waxaana Torres uu rajo ka qabaa in kooxda ay horumar sameyn doonto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.