Torres : Heshiiskeyga waan dhammeesanayaa

Torres : Heshiiskeyga waa dhammaaday
Torres : Heshiiskeyga waa dhammaaday

Fernando Torres ayaa qiray in xiriirka isaga iyo macallinkiisa Jose Mourinho uu “Aad u wanaagsan yahay” wuxuu muujiyay in joogi taanka kooxda Chelsea uu u arko in ay dhammaatay.

Cayaaryahanka reer Spain ayaa xilli cayaareedkan noqday mid aan cayaaro badan la cayaarsiin wuxuu u dhaliyay kooxda ka dhisan Stamford Bridge ilaa afar goo.

Waxaa jira warar sheegaya in macallin Mourinho uu booska cayaaryahanka ku buuxiyay Demba Ba iyo Samuel Eto’o, taasoo Torres ka dhigtay wax ma qabte.

Cayaaryahankii horre Atletico Madrid ayaa waxaa baadigoob ugu jira kooxaha Tottenham, Inter iyo Galatasaray balse ilaa hadda war suggan ma jirro.

“Waxaa noo haray shan cayaarood waxaan ku taamayaa in mustaqbalkeyga ku aadan Chelsea uu dhammaad yahay.”ayuu yiri.

Torres ayaa Chelsea ugu soo biiray 50 milyan oo bound bishii January ee sanadkii 2011, markaas oo uu kasoo tagay kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here