Toronto: Jawaari oo ka qeyb galay todobaadka dhaqanka Soomaalida-Daawo

2016724636049323943829506llGudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, ayaa ka qeyb galay xaflada todobaadka dhaqanka Soomaalida Canada.

Xafladan oo la qabanayay 25kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa todobaadkaan waxaa loo xiray jidad muhiim ah oo katirsan magaalada Toronto.

2016724636049322984282596fff

Xuska oo ay Soomali badani ka soo qayb-galeen ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay urur ay ku midaysan-yihiin dhalinyarada Somalida ah ee Toronto ,kaasi oo lagu magacaabo Toronto Development Association of Youth loona soo gaabiyo (Today).

Barxadda Dixon oo ka tirsan degmada Etobicoke ee Toronto ayaa waxaa isugu yimid dad-weyne badan oo u soo daawasha tagay in ay arkaan dhaqanka Somalida ,iyadoo kulankan lagu casuumay mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda Canada.

2016724636049323123547773hh

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Somalida Canada ay muujiyeen dadaaalo badan ,isla markaana ay ku guulaysteen in xubin iyaga kamid ah uu u matalo barlamaanka dalkaas ,isaga oo tilmaamay in wali ay hartay shaqo badan oo ku aadan fahanka bulshada iyo in iyo ay xilal kale ka helaan xafiis-yada dowladda kuwooda muhiimka ah.

Halkaan ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka Xaflada:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here