Natiijooyinka cayaaraha Ingiriiska galabta

Man City oo ka adkaatay Hull
Man City oo ka adkaatay Hull

Kooxda Chelsea ayaa caawa guul daro soo gaartay kaddib markii 1 iyo 0 ay uga adkaatay kooxda Aston Villa.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Villa Park waxaa goolka u dhaliyay Fabian Delph, waxaana goolka u dhashay qaybtii labaad oo cayaarta dhammaad ku dhow.

Chelsea weli lix dhibcood ayey hoggaanka uga heysaa kooxda ku soo xigtay City,balse cayaartoyda Manuel Pellegrini waxaa u dhimman seddax kulan oo aaney cayaarin.

Cayaaraha kale waxaa ka mid ah Man City oo guul gaartay markii 2 iyo 0 ay ku xaaqday Hull cayaar ka dhacday Kingston Communications.

Goolasha Manchester City waxaa u kala dhaliyay David Silva iyo Edin Dzeko.

Natooyinka cayaaraha kale halkan hoose ka eeg.

Everton  2 – 1  Cardiff City

Fulham  1 – 0  Newcastle United

Southampton  4 – 2  Norwich City

Stoke City  3 – 1  West Ham United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here