Tiro Xildhibaanno Cusub ah oo La Siinayo Kaararkii Aqoonsiga

Tiradii rasmig aheyd ee xubnaha baarlamaanka cusub wali lama hayo, waxaana jirta in guddiga farsamada iyo odayaasha dhaqanku wali isku mari la’yihiin magacyada xildhibaanno ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka oo ay guddiga farsamadu dib u celiyeen.

Laakiin warar soo baxaya ayaa sheegay in saacadaha soo socda guddiga farsamadu kararka aqoonsiga siiyaan xildhibaanno cusub oo qeyb ka ahaa magacyo horay odayaasha dib loogu celiyay, laakiin hadda la sheegay in xayiraadii laga qaaday.

Xildhibaannada la filayo in kaarar aqoonsiga la siiyo ayeey horay guddiga farsamada soo xulista xildhibaannada waxaa ay ku celiyeen odayaasha dhaqanka, hasse ahaatee kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen madaxweyne Shariif iyo Mahiga waxaa ugu danbeytii lagu guuleystay in xayiraada laga qaado.

Laakiin dhinaca kale waxaa wali dhiman oo aan la soo gudbin liiska shaqsiyaad la sheegay in ay danbiyo loo heysto ama ka mid yihiin hogaamiye kooxeedyada dalka, laakiin wali arintoodo dood ka taagan tahay.

Maalinta Taaladada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28ka bishan aynu ku jiro, ayaa la filayaan in ay doorasha guddoonka cusub ee baarlamaanka ka mid noqdaan tiro ku dhaw 260 xildhibaan marka la eego tiradan laga doonayo xildhibaannada oo dhan ilaa 275 xildhibaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here