Tirinta codadka doorashooyinka Masar oo bilowday iyo Maxamed Mursi oo hogaanka u haya

Tirinta codadka doorashooyinka dalka Masar ayaa ka bilowday kadib marki xalay lasoo xiray sanaadiiqda ay codkooda ku tuurayeen shacabka oo labadi maalin ee lasoo dhaafay saf ugu jiray doorashada.

Waxaa durbaba soo baxaya natiijooyin hor dhac ah xilli ay wali socoto tirinta codadka oo lagu wado in natiijadeedu ay si rasmi ah usoo baxdo maalinta Salaasada ah ee soo aadan.

War kooban oo kasoo baxay kooxda khwaanul Muslimiin ayay ku sheegteen in musharaxooda Mohammed Mursi uu hogaanka u hayo doorashada, hase yeeshee wali si rasmi ah uma cada qoka hogaaminaya.

Inkastoo Mr Mursi, farta lagu fiiqayo waxaa sidoo kale la sheegayaa in iyanu ay horumaro sameynayaan oo ay safka hore ku jiraan, Ahmed Shafiq, Amr Moussa, iyo Abdul Moneim Aboul Fotouh.

Hadii ay isu soo dhawaadaan musharaxiinta, waxaa la sameyn doonaa doorasho kale bisha June taasi oo ay ku loolami doonaan labada nin ee ugu horeysa.

Ilaa iyo 50 milyan oo ruux ayaa codadkooda dhiibtay waxaana ay u codeeyeen 13 musharax oo isu soo taagay doorashooyinka dalka Masar, oo ahaa kuwi ugu xoriyada badnaa mudo ka badan 5,000 oo sanadood.

Doorashadan taariikhiga ah ee haatan ka socoto Masar ayaa waxaa sabab u ahaa kacdoonka Guga Carabta oo sanadki hore kasoo bilowday dalka Tunizia.

Tunizian-ku ayaa mudaaharaad ku riday madaxweynihi hore Zine al-Abidine Ben Ali oo mudo ku dhawaad 30-sana ah xakumaye.

Waxaa ku xigay madaxweynihi hore ee Masar Hosni Mubarak, oo in ka badan 30 sano xakumayey, wuxuu is casilay 11-ki February 2011 kadib 18 maalin oo ay soceen banaanbaxyo aanan kala go,laheyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.