Tirada dadka u dhintay qabowga iyo barafka Europe oo sii korodhay

Waxaa sii kordhay tirada dadka u dhintay barafka ka da,aya Qaarada Yurub ayaa sii korortay iyadoo haatan ay gaartay dhimashada ilaa iyo 200 oo ruux.

Dalka Ukraine ayaa ah kan ugu badan ee ay ku dhinteen dadka uu dilay qabowga, xalay oo kaliyah waxaa dhintay sagaal ruux taasi oo tirada guud ka dhigeysa 131 sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Waxaa haatan cisbital loo qaaday ilaa iyo 1,800 ruux kuwaasi oo qabow dartiis u xanuunsaday qaarna barafoobay dhiigooda iyi jirkooda.

Dalka Poland waxaa ku dhintay sideed ruux, waxaana tirada guud ee dhimashada tan iyo qabowga marki uu bilowday ay noqoneysaa 53 sida ay sheegeen booliska.

Marinada gaadiidka ee cirka, dhulka iyo bada ayuu saameeyey barafka dalka Ingiriiska, iyadoo maanta ay ka duuleen 50% oo kaliyah sababo la xiriira jawiga oo qaldamay qaboow daraadiis.

Dalka France afar ruux ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen iyadoo dabaqyada ka sareeya biyaanada 43-aad la gelyey xaalad qatar ah cabsi laga qabo in barafka uu aad u saameeyo.

Caasimada dalka Talyaaniga ee Roma ayaa wajaheyso qabowgi iyo barafki ugu xumaa ee soo mara mudo 25 sana ah.

Sadex diyaarad oo helikobtaro ah ayaa loo baahday si loo gaarsiiyo raashin dad ku go,doonsanaa meel baraf uu buuxay dalkaasi Bosnia, marki danbe waa laga soo daad gureeyey.

Magaalada caasimada ah ee Sarajevo ayaa la geliyey xaalad dag dag ah iyadoo barafkuna uu kala jaray magaalada.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.