Tilmaamayaashii lagu qeexi lahaa Ozil oo sii dhamaanaya

02_28232021_914fa1_2619186aQaab ciyaareed kale oo cajiib ah ayuu soo bandhigay Mesut Ozil kaasoo caawiye ka ahaa goolkii Gabriel islamarkaana shabaqa soo taabtay isaga laftiisa.

Waxa uu sidoo kale seddex fursadood oo dahabi u sameeyay Theo Waloctt isagoo baasas cajiib ah sameeyya, waxaana uu ciyaarta ku qabsaday dhaqdhaqaqiisa fiican iyo awooda uu u leeyahay inuu booska ka helo meelo ciriiri ah.

Cawintii uu sameeyay xalayto waxa ay aheyd caawintiisii 16aad ee xilli ciyaareedkan horyaalka, waxaana uu kaliya u baahan yahay afar kale si uu barbareeyo rikoorkii 20ka caawin ee uu dhigay Thierry Henry xilli ciyaareedkii 2003-04.

Riyad Mahrez iyo Jamie Vardy waxa ahaayeen kuwa fantastik ah xilli ciyaareedkan, laakiin hubaashii ma jiro ciyaaryahan ka fiican Ozil oo haatan jooga Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here