Tiago Silve: “Madooneen Inaan Katago Milan”

Xidiga Daafaca uga ciyaara naadiga PSG iyo xulka Brazil Tiago Silva ayaa sheegay inuusan jecleen inuu isaga soo tago naadigiisa hore ee Ac-milan.

Xidigan ayaa isbuucii hore 33 million ugu biiray kooxda kadhisan caasimada faransiiska ee PSG isagoo kasoo dhaqaaqay kooxda reer talyaani ee Ac-milan.

Silva ayaa waxa uu yiri “waan kufaraxsanaa inaan PSG usoo wareego, hadana waxaan ahaa mid ka murugeysan kasoo tagida Milan maxaa yeelay waxaan halkaas kulahaay qadarin iyo awood shaqsiyadeed”.

“Uguma aanan soo tagin milan lacag darteed, mana ahayn Go’aan iyo qalad aan aniga sameeyay ee maamulka naadiga ayaa Go’aansaday ineey iga iibiyaan PSG waana uga cudur daaranaa taageerayaasha” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Tiago Silva.

Silva waa uu sii hadlay waxa uuna hadalkiisa sii daba dhigay “aniga shaqsi ahaan aad ayay iigu adkeyd katagida Milan, xitaa qoyskayga maysan dooneen,laakin waxaa jiray sheey muhiim ah maxaa yeelay {maamulaha dhinaca fanka kooxda PSG} Leonardo iyo gudoomiye kuxigeenka milan Andiano Giliani ayaa iigu baaqay inaan ku biiro PSG”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here