Thierry Henry oo ka tagaya kooxda Arsenal 16 February

Weeraryahanka kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa ka tagaya kooxda Arsenal oo amaah ahaan ugu dheela bartamaha bishan isagoo dib ugu laaban doona kooxda New York Red Bulls sida uu sheegay tababare Wenger.

Henry ayaa waxaa uu la joogay kooxdiisii hore ee Arsenal muddo lix toddobaad ah.

Hase yeeshee tababaraha Arsenal Wenger ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in uu la sii joogo  labo toddobaad oo kale.

Henry ayaa safan doono kulankiisi ugu danbeeyey ciyaarta ay Arsenal la qaadan doonto maanta kooxda Sunderland, sidoo kale wuxuu ciyaari doonaa kulanka ay Arbacada ee koobka Champions League oo ay AC Milan la ciyaari doonaan.

Kabtanki hore ee kooxda ayaa seegi doona kulanka wareega shanaad ee koobka FA Cup oo ay 18-ka bishaan la ciyaari doonaan kooxda Sunderland iyo sidoo kale kulanka darbiga ah ee ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Tottenham 26 February.

Henry, oo ah ninka ugu gool dhaliska badan Arsenal ayaa kooxda dib ugu laabtay 6-di January, kadib marki horyaalka dalka Mareykanka oo uu ka ciyaaro uu xirmay.

Tan iyo marki uu ku laabtay Ingiriiska wuxuu dhaliyey laba gool shan kulan oo uu ciyaaray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.