Thiago Silva oo seegi doona kulamada Milan iyo Barcelona

Daafaca kooxda AC Milan Thiago Silva ayaa seegi doona labada is arag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona wareega sideeda ee koobka kooxaha Horyaalada Yurub ee Champions League.

27-jirkaan u dhashay dalka Brazil ayaa ka baxay garoonka isaga oo dhutinaya kulanki ay xalay Milan 2-1 uga badisa kooxda Roma, waxaana war uu saxaafada siiyey macalin Massimiliano Allegri uu ku shaaciyey in aysan macquul aheyn in uu safto Silva kulabka Barva iyo Milan.

War caawa kasoo baxay kooxda Milan ayaa lagu sheegay in Silva inuu ka dhaawacmay bowdada isaga oo ka maqnaan doono mudo bil ah, ama ugu yaraan sadex todobaad.

Tani ayaa macnaheedu yahay in laacibkaan laf dhabarka u ah daafaca dhexe ee Milan aanan lagu arki doonin kulanka adag Milan iyo Barcelona ee Champions League, sidoo kale is araga danbe.

Thiago Silva, ayaa ku biiray kooxda Milan sanadki 2009 markaasi oo ay ku iibsatay  €10 million, xilli ciyaareedkan waxa uu u saftay 36 kulan isaga oo u dhaliyey sadex gool.