The Sun oo warbixin lala yaabay ka qortay Md Xasan Shiikh iyo Wafdigiisa

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Britain, ayaa qoray warbixin dood weyn ka dhex dhalisay shacabka Ingiriiska, taasoo uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shikkh iyo wafdigiisa oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada London.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi ka kooban 5 kamid ah golaha wasiirada, iyo 14 xubnood oo kamid ah howl-wadeena doowlada, ayaa maalmahaan ku sugnaa gudaha wadanka Britain, iyagoo ka qayb galay shirar Caalami ah oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya, iyo sidii ay beesha Caalamka u caawin lahayd.

Dowlada Britain ee Devid Cameron hogaamiyo, ayaa ku bixisay qarash xad dhaaf ah oo la baajin karay Hoteeladooda iyo Gawaarida qaadeysay wafdiga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa la dajiyay Hotelka Doshester, oo ah nuucyada Hoteelada raaxada loo jiifsadoo islamarkaasna qaaliga ah, qolalkiisa kuwa ugu jabana waa £318 halkii habeenba.

Halka ugu jabana uu yahay qiimaha lagu jiifsado £9,318 habeenkii.

Gaarigii lagu qaadayayna waxaa lagu sheegay in ay ku baxeysay  £400 maalinkii, hayeeshee xafisika arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska oo arintaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Isku geynta lacagta Hotelka iyo howlaha laxiriira ku baxeysa ayaa lagu sheegay aduun lacageed dhan £50,798.

Isbaheeysiga lagu magcaabohe Taxpayers’ Alliance oo u hadlay cashuur bixiyayaasha waddanka Ingiriiska arrinkaan wuxuu ku sheegay mid lala cajabo oo lama filaan ah.

Halka wasaaradda arrimaha dibadda ay sheegtay in shirkaan ahaa mid muhiim ah sidaas darteedna qarash kaa ku baxay uu mudan yahay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here