The-star: Kala bar ciidamadii Kenya ee Ceel-cade oo wali la la’yahay

Kenyan Army
Kenyan Army

Qaar ka mid ah Wargeysyadd dalka Kenya ayaa aad uga hadlaya weerarkii Jimcihii horre Al-Shabaab ay ku qaaday deeganka Ceel-cadde halkaasoo fadhiisin ay u ahayd ciidamada Kenya ee qeybta ka ha howlgalka AMISOM.

Wargeyska The Star ayaa qoray Arbacada maanta in ciidamadii ku sugnaa Ceel-cadde oo ahaa 240 askarin in kala bar la la’yahay meesha ay aadeen kaddib weerarkaas.

Wargeyska The Stander ee isna ka soo baxa Kenya ayaa isna sheegay in taliyii hoggaaminayay ciidamada Ceelcadde in uu maqan yahay oo ilaa hadda aan la ogeyn halka uu ku sugan, walow horrey Shabaab u sheegtay in ay gacanta ku hayaan isaga iyo askar kale.

Wargeyska The Daily Nation isna wuxuu qoray in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu u yeeray saraakiisha ciidamada si uu su’aallo uga weydiiyo weerarrkii ka dhacay Ceel-cadde.

Ilaa hadda dowladda Kenya si rasmi ah uma sheegin askarta uga dhimmatay weerarrkii Ceel-cadde balse waxaa xaley garoonka diyaaradaha Nairobi laga dajiyay meydadka afar askari, halka sodomeeyo kale oo askartii ka badbaaday weerarkaas la geeyay Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here