Tevez uma wareegi doono PSG

Kooxda Milan ayaa laga yaabaa in ay kusoo laabato loolanka ku aadan saxiixa Carlos Tevez kadib marki ay Paris Saint-Germain soo gaba gabeysay ceyrshashadeedi xidgaan ka tirsan naadiga Manchester City.

PSG ayaa aad loogu saadaalinayey helitaanka wiilkaan reer Argentine laakin wax badan ayaa is badalay marki uu diiday ciyaaryahanka inuu aado kooxdaasi ka dhisan dalka France.

Agaasimaha xaga soo iibinta kooxda PSG Leonardo ayaa u sheegay wargeyska L’Equipe in xidigi hore ee kooxda Manchester United aysan keeni doonin.

“Waanu dhameynay wixi wada hadal ahaa oo aan ku rabnay Tevez, ma jiro wax fursad ah oo aan kusoo saxiixan doono isaga, wey dhamaatay sheekada,” ayuu yiri macalinki hore ee kooxda Milan.

Tevez ayaa xiligaan ku sugan dalkiisa hooyo kadib marki ay isku dhaceen macalinka naadiga  Manchester City boss Roberto Mancini horaanyi xilli ciyaareedkaan.

Milan ayaa shalay sheegtay in aysan ka raja dhigi doonin Tevez xitaa hadii xitaa ay keensato weeraryahanka kooxda Catania Maxi Lopez oo ay qarka u saarantahay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.