Tevez oo wajahaya xabsii kaddib markii la xiray isagoo wata baabuur

Weerrar yahanka kooxda Manchester City Carlos Tevez ayaa la xiray kaddib markii uu qaladaad sameeyay darawalkiisa.

29-jirkan aaa laga mamnuucay in uu baabuur ka xeeyo bishii January, kaddib markii la dhigay xarun boolis oo ku taalla Macclesfield, laakin khamiistii ayaa lagu sii daayay damaanad.

Tevez ayaa la sheegay in ay suura gal tahay in uu la dhigo xabsi haddii ay ku cadaato dambiga loo heesto oo gaf.

War-qoraal ah oo ka soo baxay booliska waxa ay lagu sheegay : ” 5-tii iyo 13-daqiio ee xilliga pm Khamiistii oo ay bisha ku beegneed 7-da March, waxa ay booliska xireen 29-jir nin ah si qaldan u waday baabuur, laakin booliska ayaa ku daayay damaanad.

Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa laga mamnuucay gaari wadida lix bil ka hor, kaddib markii uu qirtay dambi uu ka galay boolika.

Waxaa kaloo lagu ganaaxay 1,540 pounds kaddib markii ay maxkamadda dhageesatay dacwada loo heestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here