Tevez: Mancini wuxuu iila dhaqmay sidi Eey oo kale

Ciyaaryahan Carlos Tevez ayaa ku eedeeyey macalinka kooxda Manchester City Roberto Mancini inuu ula dhaqmay sida Eeyha oo kale inti lagu guda jiray kulanki ay la ciyaareenkooxda Bayern Munich ee ka tirsanaa koobka Champions League bishi September.

Dhacdadaasi ayaa u muuqatay mid uu gabi ahaanba uga tagay kooxda Man City hase yeeshee laacibkan u dhashay dalka Argentine ayaa dib ugu soo laabanayo kooxda todobaadkaan.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu dib u kasban doono qalbiga taageerayaasha City marka uu bilaabo tababarka maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

“Waxaan ahaa nin ku jiray xaalad xun kulanki September, marki uu [Roberto Mancini] uu badalay [Edin] Dzeko kadibna soo geliyey [Nigel] de Jong kadibna aan 2-0 ku luminay Bayern waxaan aaminay in guusha nagu dhacday ay aheyd mid ku timid qalad uu sameeyey tababaraha gaar ahaan badalka, waxaana go,aansaday in aan kursiga keydka iska fadhiyo,” ayuu yiri Tevez oo wareysi siiyey Fox Sports Latin America.

“Aniga 10 daqiiqo ka hor ayaan is kululeeyey kadib [Dzeko] ayuu garoonka kasoo saaray arintaasna wuu ka carooday, kadib waxa uu fariistay tababare Mancini gadaashiisa kadibna wey murmeen, Dzeko wuxuu ku hadlayey luqada Bosnia halka Mancini isna uu ku dhaaranyey af Talyaani, arintu runti aad ayey u qasneyd, kadibna waan laabtay oo iska fariistay isaga muusan ii jeedin, kadib xageeyga ayuu soo eegay wuuna i arkay, kadib ma qiyaasi kartid waxa dhacay, dood ayuu ila galay kadibna wuxuu igu amray in aan sii wado is kululeynta waxaanu iila dhaqmay sidi Eey oo kale,” ayuu yiro Tevez.

Teves ayaa sidoo kale sheegay in xitaa uu tababare Mancini u dhaartay isla markaana uu isagu iska daganaa, isaga oo sidoo kalana sheegay in xitaa qofki raba inuu ogaado dhacdadaasi uu dib uga daawan karo cajaladi laga duubay ciyaarta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.