Teendhooyin garoonka diyaaradaha Muqdisho looga dhisayo safarreyda

 

Marwada madaxweynaha
Marwada madaxweynaha

Teendhooyin loogu talalgalay inay degaan dadka ku hakada garoonka Aadan Cabdulle ee magaalooyinka kale ee dalka ku sii jeeda ayaa lagu wadaa in hirgeliyo, iyadoo ay maanta udub-dhigtay marwada madaxweynaha Sahra Cumar Xasan.

Mashruuca oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa loogu talagalay in meelo ay seexdaan ay helaan dadka socdaalka ku maraya garoonka iyo kuwa laga soo musaafuriyo dalal uu Sacuudiga ka mid yahay ee aan awoodin inay hoteello ka kireystaan gudaha magaalada, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan IOM.

Marwo Sahra Cumar Xasan oo ka hadashay udub-dhiggii teendhooyinka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay tix-gelin gaar ah siineyso dadka musaafurka ah, taasi oo ay xustay inay tahay waajib saaran.

Intii ay socotay munaasabadda udub-dhigga teendhooyinka ay dagayaan safarreyda socdaalka ku mareysa garoonka Aadan Cabdulle, ayaa waxaa garoonka soo caga-dhigatay diyaarad sidday dad laga soo musaafuriyay dalka Sacuudiga.

Marwada madaxweynaha ayaa qaabishay muwaadiniinta la soo musaafuriyay, waxayna u qeybisay lacago iyo raashiin.

Xigasho: BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here