Tartanka xidiggaha kubadda cagta oo galabta la soo gabagabeeyay

Waxaa galabta oo Jimco ah, garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan lagu soo gabagabeeyay tartanka kubadda cagta xidiggaha, oo maalmahan halkaas ka socday.

Tartanka oo ay ka qaybgalayeen ilaa lix koox, waxaa uu billowday daba yaaqadii bishii hore ee March, waxaa kooxaha ka qaybgalayay ay dhammaantood loo qabtay ciyaar is-wada arag.

Lixda koox ee koox ee ka qaybgalay tartankan dhammaantood waxaa ay ku ciyaarayeen shirkado iyo hotelo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Tartan oo ay u soo daawasho tagi jireen dad aad u badan oo dhallinyaro , ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa gabdhabo xiiseeya ciyaaraha kubadda cagta dalka Soomaaliya.

Waxaa garoonka lagu arkayay dad aad u badan kuwaasoo soo camiraayay ciyaaraha inta ay socdeen waxaana ay kala taageersanaayeen kooxaha ka qaybgalaya tartankan.

Tartanka xidiggaha ayaa waxaa ku guuleestay kooxda Liido See Food, oo shaley ayey ka badisay kooxda Senjet.

Waxaa galabta ciyaaray kooxaha Global iyo Jazeera Palace Hotel, waxaana waqtigii loogu talagalay ay ku dhammaatay 1 iyo 1, ciyaartii galabta ayaa ka mid ahayd ciyaarihii ugu xiisaha badnaa ee laga ciyaaray tartanka inta uu socday.

Xoghayah xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo la hadlay shabakadda Midinimo ayaa sheegay in tartankan looga gun lahaa in laga soo xulo ciyaartoydii u matali laheyd xulka qaranka Soomaaliya tartamada caalamiga ah ee mustaqbalka dhow.

Wuxuu kaloo sheegay in tartankan uu ahaa mid lagu tusaayay ganacsatada Soomaalida in ay maal gashi ku sameesan karaan kooxaha ka dhisan dalka.

“Tartankan wax badan oo faa’ido ah ayaa ka soo baxay, dhawaan ayaana si rasmi ah u soo bandhigi doonaa, balse haddii aan wax idiinka sheego, waa in aan ogaanay in shirkadaha iyo xarumaha ganacsiga ee ka dhisan dalka ay lee yihiin ha nala siiyo kooxo ku ciyaara magaceena oo aan maalgalin ku sameeno, xittaa ciyaartoyda annaga ayaa mushaar siineyno” ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here