Tartanka Xiddigaha oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Waxaa shaley si rasmi ah ooda looga qaaday tartanka xiddigaha, oo ay ka qaybgalayaan illaa lix koox.
Tartanka oo ka dhacaya garoonka kubadda cagta ee Jaamacadda ee ku yaalla degmada Hodan ee magaalada muqdisho.

Waxaa ciyaartii koobaad lagu furay kooxaha E-Maal Nation Link iyo Sing Jet oo ah shirkad wax daabacda.
Si kastaba, Kooxda E-Maal Nation Link ayaa 3-2 kaga badisay kooxda Sign-Jet kulankii furitaanka oo galabta ay ka qeyb galeen daawashadeeda dadweyne badan iyo masuuliyiin isboorti.

Kooxaha City Palace Hotel iyo Jazeera Palace Hotel ayaa galabta wada ciyaari doona, halka kooxda Liido Sea Food ay Arbacada wajihi doonto kooxda Global Hotel

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 ciyaaryahan oo laga soo xulay kooxaha heerarka koowaad iyo labaad ee dalka, waxaana loogu tala galay in laga xulo ciyaartoydii matali laheyd xulka qaranka Soomaaliya, sida ay sheegeen masuuliyinta xiriirka kubadda cagta

Tartanka ayaa loo cayaari doonaa qaab iswada-arag ah, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 25-ka bishan March ilaa 12-ka bisha April ee soo socota.

Mar kasta kala soco natiijooyinka tartankan shabakadda Midinimo oo kuu soo gudbineysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com