Tartanka xiddigaha oo Muqdisho ka billowday

koonis1Magaalada Muqdisho waxaa shaley ka billowday tartanka xiddigaha oo ay ka qaybgalayaan afar koox.

Tartankan oo looga gun lee yahay in la helo cayaartoy da’yer oo ka qaybgala cayaaraha caalamiga ee 20-jirrada iyo 23-jirka, ayaa shaley ka furmay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

Cayaartii ugu horreysay waxa ay dhex martay kooxaha Horrumar iyo Himilo, waxaaana 2 iyo 1 ku adkaatay kooxda Horrumar.

Galabta waxaa ku ballansan garoonka Koonis kooxaha Rajo iyo Bulsho.

Tartankan ayaa loo hakiyay horiyaalka heerka koobaad oo dhawaan dhammaaday wareega koowaad.

Inta badan waxaa garoonka kubadda Koonis buux dhaafiya taageerayaal ka socda kubadda cagta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here