Tartanka Xiddigaha Kubadda Koleyga oo si habsami leh uga socda Muqdisho [Sawirro]

Waxa magaalada Muqdisho si habsami leh uga socdo tartanka xidigaha kubada koleyga, kuwaasoo ay ka qeybgalayaan ilaa lix koox oo laga soo xulay kooxihii ka qeybgalay horiyaalkii 26-aad ee kubada kolayga Soomaaliyeed.

Tartanka oo ay soo qaban qaabisay shirkada xawaaladda Jubba Express.ayaa waxa galab kasta u daawasho taga dad yaw badan oo kala yimaada degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha xiriirka kubada koleyga Soomaaliyeed Ibraahin Xuseyn Cali {Roombe} ayaa sheegay in tartanka ay ka qeybgalayaan ilaa lix koox, isla markaana uu so rasmi u furmay seddax maalin ka hor.

Wuxuu sheegay in tartanka lagu qabto degmooyinka Xamar Jajab iyo Cabdul Casiis

Galabta oo Jimco ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxay ku dhexmartay garoonka ku yaala degmada Xamar Jajab kooxaha Hotel Jaziira Plaza iyo Jubba Express.

Waxana ciyaarta waxa ay socotay ay gabgabadii ku dhamaatay 33 iyo 32-jeesto oo ay ku badisay kooxdii ku ciyaareysay Hotel Jaziira Plaza.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here