Tartanka Quruxda Geela oo lagu qabtay Imaaraadka+Video

downloadDoowlada Imaaraadka, ayaa in kabadan 25,000 oo Geel ah u qabatay Tartan ku saabsan Geelka ugu quruxda badan.

Tartankaan oo socon doona mudo 2 Isbuuc ah, ayaa soo jiitay Indhaha Geeleey farabadan oo ku nool wadamada Khaliijka laysku dhaho, gaar ahaan Sacuudiga, Qadar iyo Saldanada Camaan.

Tartankan ayaa waxaa Geelka ugu qurxan lagu xulan doonaa dhowr arimood, waxaana kamid ah, Xagga Xooga, dhirirka Qoorta suu u taago, doobada iyo Da’da.

Tartamaha ku guuleysta Tartankaan, ayaa heli doona lacag dhan 15 Malyan oo Doolarka Mareeykanka ah iyo Baabuur qaali ah.

Dhaqashada Geela, ayaa Taariikh aad u fog ku leh bulshada Carabta ee ku dhaqan wadamada Khaliijka.

Halkaan ka daawo:

 

 
http://www.youtube.com/watch?v=UsgfzoR8BOk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here