Tartanka Qaramada Africa oo maanta ka furmaya South Africa

Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in dalka Koonfur Africa ay ka billowdaan tartanka qaramada Africa ee sannadkan 2013-ka.

Illaa 16-waddan ayaa ka qaybgalaya tartanka kuwaasoo loo qaybiyay ilaa afar Group.

Waxana ay kala yihiin sidan

Sida ay Group –yadda isku soo beegmeen

  • GROUP A: South Africa v Cape Verde, Angola v Morocco (Saturday)
  • GROUP B: Ghana v DR Congo, Mali v Niger (Sunday)
  • GROUP C: Zambia v Ethiopia, Nigeria v Burkina Faso (Monday)
  • GROUP D: Ivory Coast v Togo, Tunisia v Algeria (Tuesday)

Waddamada ugu adag wax aka mid ah Ivory Coast  iyo Zambia  oo sannadkii hore ku guuleestay koobka.

Waxa kaloo xulalka ka qaybgalaya ka mid ah kooxda Ethiopia oo markii ugu horreysay 30-sano lagu arkay tartanka qarmada Africa.

Ciyaartooyda ka qayb qaadanaya koobka waxa ay badankood ka ciyaaraan horiyaaladda Yurub, ammaanka dalka Koonfur Africa ayaa aad loo adkeeyay.

Waxana ku sugan dalka wariyaal badan oo ka soo warrami doona inta uu socd tartanka qaramada Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here