Tartanka Orodadka Fudud oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa shaley galab, magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan dhinaca Orodka ah, kuwaasoo ay qaybgaleen dhalliyaro u badan kuwa wax ka barta iskuulada ku yaalla caasimada Muqdisho.

Tartankan ayaa la sheegay in uu soo qab qaabiyay, xiriirka ciyaaraha fudud, waxaana lagu maamusayay  maalinta IAAF Day ee 28-ka May oo sannad kasta la qabto.

Waxaa ka qaybgalay tartanka madax katirsan guddiga lombikada Soomaaliyed, Xiriirada kala duwan iyo wasaaradda adeega bulshada dhinaca sportiga tababaraha kooxda qaranka ciyaaraha Fudud ahna wakiil ururka Soomaali Run.

Ciyaarahan heerka 1-aad ee ciyaaraha fudud ayaa waxa ay yihiin kuwa ay ka qeyb galayaan ardayda dhigata iskuulada kuwaas oo iskugu jiro gabdho iyo wiilal, waxa ayna ku tartamayaan orodka dheer ee marathonka oo laga soo bilaabay baarlamaankii hore ilaa garoonka banaadir Stadium, waxaana wadooyinka waa weyn dhoobnaa taageerayal iyo dadweyne aad u daawanayey orodka ciyaaraha.

Gebo-gebadii ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay kusimaha Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo sheegtay in ay ku faraxsan tahay qabashada tartamada noocan ah ee IAAF day, waxaana ay raacisey in tartanka ay ka qeybgaleen ku dhowaad 150 orodyahano oo heerarka kala duwan ah, kuwaas oo ay dadoodu u dhaxeysay 10-12 sano jir.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi Abaalmarino lacageed lagu guddoonsiiyey ciyaaryahanadii kaalimaha kala duwan ka galay tartankii orodka ka qaybgalay.

Waa markii ugu horreysay oo tartan noocan oo kale kana soo qaybgaleen dad aad u badan uu ka dhaco magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here