Tartanka Olombikada oo lasoo xiray

Ciyaarihi Olombikada Aduunka ee sanadkaan 2012 lagu qabtay magaalada London ayaa xalay si cajaa,ib leh loo soo gaba gabeeyey.

Xaflad socotay sadex saacadood oo lagu soo bandhigay mehrajaano, suugaan iyo qudbooyin ayaa si rasmi ah shuclada Olombikada loogu wareejiyey magaalada xigi doonta martigelinta oo ah Rio de Janeiro, Brazil.

Dadki caanka ahaa ee ka qeybgalay heesaha madadaalada xaflada ayaa waxaa ka mid ah fanaaniinta heesaha Pop-ka ugu caansan Ingiriiska sida Spice Girls, George Michael iyo Elbow.

Madaxii ciyaaraha London Lord Coe oo hadal kooban ka jeediyey masraxa ayaa in ay si nabad leh ugu soo gaba gaboobeen isaga oo sheegay in Britain ay si sax ah u qabatay tartankan.

Calanka rasmiga ah ee Olombikada ayaa munaasabada dhexdeeda lagu siiyey duqa magaalada Rio halkaas oo ay joogeen wakiilo badan oo ka socday dalka Brazil.

Gudoomiyaha Gudiga Caalamiga ah ee Olombikada Aduunk, Jacques Rogge, oo soo xiray ciyaarihi Olombikada London ayaa sheegay in aysan halmaami doonin marti gelinti loogu sameeyey London.
“Waligeen ma halmaami doono dhoola cadeynta, naxariista iyo taageeradii yaabka laheyd ee ay na siiyeen mutadawaciinta iyo geesiyaashii ciyaarahaan.” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here