Tartanka kubadda kolayga gabdhaha degmooyinka oo Muqdisho ka furmay

Tartanka kubadda kolayga degmooyinka ee hablaha oo Muqdisho ka furmay
Tartanka kubadda kolayga degmooyinka ee hablaha oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdish waxaa shaley ka furmay tartanka kubadda kolayga gabdhaha ee degmooyinka gobalka Banaadir.

Xafladda daahfurka tartanka oo lagu qabtay degmada Cabdicasiis waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya.

Cayaartii lagu furay tartanka
Cayaartii lagu furay tartanka

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshadda gobalka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar ayaa furay tartanka oo ay ka qaybgalayaan ilaa siddeed degmo.

Tartanka waxaa oo hal lug ciddii laga badiyana ay daaqada ka baxeyso waxaa cayaartii furitaanka cayaaray degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar-Jajab waxaana ay ku dhammaatay 41 iyo 30 oo ay ku badishay degmada martida ahayd.

Galabta oo Talaado ah waxaa ku ballansan degmooyinka Waabari iyo Boondheere.

Waa markii ugu horreysay oo tartanka kubadda kolayga degmooyinka ee gabdhaha lagu qabto Muqdisho in ka badan 20 sanno.

Natiijada cayaarta galabta kala soco Bogga Midnim.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here