Tartanka kubadda cagta ee xidigaha oo maanta billaabanaya

Waxaa maanta oo Isniin ah, magaalada Muqdisho ka billaabanaya tartanka kubadda cagta xidiggaha ,oo ay ka qaybgalayaan illaa lix koox.

Dhawaan xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya wuxuu ku dhaawaqay isku-aadka koobka xiddigaha oo 25-ka bishan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Tartankan oo lagu soo xulayo cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya matalaysa ayaa waxaa ka qayb-galaaya 6 koox oo ku cayaari doona magacyada qaar ka tirsan ah shirkadaha ganacsi ee dalka.

Tartanka ayaa loo cayaari doonaa qaab iswada-arag ah, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 25-ka bishan March ilaa 12-ka bisha April ee soo socota.

Kooxaha ku cayaaraya magacyada E-maal Nationlink iyo Sanjet ayaa maanta lagu furayaa tartanka ee soo socota, halka Talaadada ay wada cayaari doonaan kooxaha City Palace Hotel iyo Jazeera Palace Hotel.

Arbacada ayaa waxaa is arki doona kooxaha Liido Sea Food iyo Global Hotel.

Cayaartoyda tartankan ka qayb-galeysa ayaa laga soo xulay horyaalladii heerarka koowaad iyo labaad ee dalka ee dhowaan la qabtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here