Tartan qur,aan aqris oo ka bilowday magaalada Garaawe

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka bilowday tartanka qur,aan aqriska oo sanadkiiba la qabto bishaan oo kale.

Tartankan oo ay ka qeybgalayaan arday iyo xaafidiin Qur,aan oo laga kala keenay magaalooyinka hoos yimaada maamulka Puntland, waxana ay ku tartamayaan 30-ka Jus, 20-ka Jus iyo 10-ka Juz ee qur,aanka Kariimka.

Ka qeybgalayaasha ayaa ah ilaa iyo 29 ruux oo dhamaantood ah dad aad u bartay Qur,aanka Kariimka.

Sheekh Maxamed Faahiye oo ka mid ah gudiga qaban qaabada tartanka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin bulshada reeer Garoowe dhageysiga Qur,aanka Kariimka bishaan Ramadaan.

Waxa kale oo uu aad ugu farxay caruur xafidsan qur,aanka kuna aqriyeyso cod macaan in ay ka qeybgalayaan kuwaasi oo laga kala keenay magaalooyin kala duwan.

Tartankan ayaa waxaa maal gelinaya shirkada isgaarsiinta Goolis iyo Bankiga Salaama, waxaana guuleystayaasha ay heli doonaan abaalmarino qaali ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here