Tartan ku saabsan ugaarsiga Masaska oo Florida ka bilaabanaya

Gobolka Florida ee Mareeykanka ayaa waxaa looga diyaar garoobayaa tartan ku saabsan ugaarsashada masaska, gaar ahaan masaska halista ah ee dadka cuna kuwaasoo ku badan kaymo ku yaalo halkaas.

Tartankaan oo bilaaban doona Sabtida soo socota ayaa socon doona ilaa mudo bil ah, waxaana loogu magic daray “Ugaarsashada masaska”.

Tartankaan ayaa waxaa ka qayb galaya dad gaaraya ilaa iyo 550 qof, oo ka kala yimid 25 gobol, tartankaan ayaa lagu bixin doonaa labo abaal marin.

Abaalmarinta koowaad ayaa waxaa lagu bixin doonaa ilaa 1000$, waxaana lasiin doonaa qofka ku guuleeysta Maska ugu dheer, halka abaal marinta labaadna labixin doono 1,500, oo lasiin doono qofka ku guuleeysta Maska ugu weyn ama ugu culus.

Dadka ka qayb galaya tartankaan ayaa waxaa kujira Senator katirsan Xisbiga Dimoqraadiga kaasoo da’diisa lagu sheegay 70 jir.

Dadka ka qayb galaya tartanka lagu ugaarsanayo masaska ayaa waxay xiran doonaan Jildi ka ilaalin doona qaniinyada Maska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here