Tartan kadhaxeeya kubadda cagta iyo Siyaasada

Waxaa jira tartan aad u xoogan kaasoo akdhaxeeya kubadda cagta iyo siyaasada tusaale ahaan,tusaale ahaan ciyaartii xalay dhexmartay wadamada Germany iyo Greece kana tirsan Euro 2012, Geree-ga waxaa haysto dhibaatooyin dhaqaalo iyo mid bulshadeed haba ugu darnaatee daymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

Greecewaxa ay aaminsanyihiin dhibaatada dhaqaale ee haysata ineey sabab u tahay Dowlada jamalka, dadka wax taxliiliya ayaa is barbardhigay cadaadiska jarmalka uu kuhayoGreeceiyo gumeysigii nasiyiinta intii lagu gudo jiray dagaalkii labaad ee dunida

Isbarbardhigaas waa amar iska dabiici ah marka laga hadlayo tartanka kubadda cagta oo ah tan ugu daawashada iyo xamaasada badan ciyaaraha laga ciyaaro dunida

Ciyaartii xalay kadhacday garoonka Gadanisky eePolanduna dhaxeeysayGermanyiyoGreecema ahayn kulankii ugu horeeyay ama ugu danbeeyay ay isaga hor imaadaan labadan xul, ciyaartii xalayna waxa ay ahayd mid kamdi ah iska hor’imaadyada siyaasadeed iyo mid bulshadeed ee dhexmarta labadan wadan.

Waxaa xaqiiqa ah in kubadda cagta ay sababi karto iskahor’imaad xasaasi ah sida siyaasada oo kale

Arinta muhiimka ah ee xusida mudan waxay tahay in markii la aas asay tartanka kubadda cagta ay dhaceen iskahor’iaamdyo udhaxeeya awoodo waaween,

Waqtigii Hitler iyo moselini waxay labaduba dareemeen ahmiyada ay leedahay kubadda cagta iyada hogaamiyihii faashiga talyaaniga moselini oo markii hore aan ahmiyada siin jirin tartanka kubadda cagta ayaa ku baraarugay qiimaha kubada cagta kadib markiiw adankiisa talyaaniga uu ku guuleeystay tartankii aduunka sanadihii 1934-1938 halka jarmalkana sanadii 1936 uu ku guuleeystay tartanka olompic-da aduunka taasoo calaamad u ahayd karaamadii iyoo xoogii uu lahaa jarmalka.

Moselini ayaa kasoo qayb galay tartankii kubada cagta dunida 1934 isagoo soo xushay dhexdhexaadiyaasha kulamadaitalywaxa uuna kasoo qeyb galayay dhamaan kulumada talyaaniga ay ciyaareen.

Xulka talyaaniga ayaana ka guuleeystay xulkaAustriahalkaasoo xaruun u aheyd gumeystihii naasiga ee Hitler

Gobbler oo ahaa masuulka dhinaca borobogaandada u qaabilsanaa Hitler waxa uu yiri isagoo kahadlaya ahmiyada ay leedahay kubadda cagta “inaad ku guuleeysato tartan heer caalami ah waxay ka muhiimsantahay inaad qabsato magaalo”

Ciyaarihii olombikada ee lagu qabtay wadanka jarmalka ayaa ciyaaryahankii madowga ahaa kana socday wadanka mareeykanka jessy waxaa u suurta gashay inuu ku Guuleysto 4 biladood oo dahab ah xiligaasoo Hitler uu diiday inuu salaamo ciyaaryahankan markii la gudoonsiinayay abaalmarinta, taasoo muujineysay midabtakoornimo,

Intii lagu gudo jiray dagaalkii qaboobaa una dhaxeeyay doowladaha mareeykanka iyo midowgii soofyeeti labadoodaba waxay muhiimada siiyeen ciyaaraha kubadda cagta si ay ugu muujiyaan awoodahooda, taasoo kamid ahayd dacaayadaha labada dhinac iyadoo ay si weyn kaga qeyb qaateen idaacada Mosco ee kuhadli jirtay afka midowga soofyeeti iyo idaacada VOA oo ku hadlaysay afka mareeykanka

Arinta ugu muhiimsan ayaa ahayd markii doowlado badan oo reer galbeed ah uuna kujiro mareeykanka ay diideen ineey kaqeyb galaan tartankii olompic-da ee 1980 lagu qabanayay magaalada mosco iyagoo sabab uga dhigay kuduulistii uu ruushka qabsaday wadanka Afgaanistan sidokale dowlada ruushka ayaa dhankeeda iyana diiday ineey kasoo qeyb gasho ciyaarihii olompic-da ee 1984 lagu qabtay magalada Los anjelos ee wadanka mareeykanka.

Waxaa jirto maalmo aan lahilmaami Karin oo taariikhda kubada cagta Latin America ku saabsan, iyadoo 1962 ciyaar dhexmartay wadamada Italy iyo Chilly ay noqotay mid akmdi ah ciyaarihii ugu xumaa ee abid dhaca waxaana markaas 2-0 ku adkaaday xulka Chily

Ciyaartan ayaa labada dhinac ciyaaryahanada u kala safanayay waxay isgaarsiiyeen dhaawacyo halis ah waxaana lasheegaa in calaamadaha  jaalaha iyo roosaha markaas lasoo ikhtiraacay

Waxaa jiro wax loo yaqaan “dagaalka kubadda cagta” iyadoo 1970 ciyaarihii aduunka ay isaga hor imaadeen wadamada Hunduras iyo Selvador waxaana ciyaartii dhexmartay kadhashay qalalaaso taasoo markii danbe isku badashay mid milatari waxaana ku dhintay dad lagu qiyaasay 2000 oo qof

Sidookale waxaa jirtay ciyaar dhexmartay wadamada England iyo Arjentina ciyaarihii aduunka ee 1986 lagu qabtay wadanka mexico, jamaahiirta arjentin ayaa markaas aaminsanaay in ciyaartaas ay ahayd ka aargudasho dagaalkii jasiirada fogland

Ciyaartaas ayaa waxaa gacanta gool kaga dhaliyay xulkaEnglandmucjisadii kubada cagta arjentine maradoona goolkaasoo noqday mid kamid ah xusuusta kubada cagta ilaa iyo hadana shacabkaEnglanddhagahooda ayeey kasii guuxeeysa waayo waxa ay kaga hareen tartankii