Tartan ciyaareed loo qabtay maxaabiista ku jirto Xabsiga Dhexe ee Muqdisho + Sawiro

Waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyay Xabsiga Dhexe ee Xamar Tartan loogu magac daray Todobaadka iyo Xornimada Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa lix koox oo wada ciyaaray ciyaaro is arag ah.

Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay ururka u dooda Xuquuqda Dhalinyarada ee SYAO ayaa waxaa Xafladii xeritaanka iyo ciyaartii u dambeysay ka qeyb galay Mas’uuliyiin, Saraakiil, Qeybaha Bulshada, Haweenka iyo Madaxda Ururka SYAO.

Tartankan ayaa ahmiyadiisa koowaad ahaa mid SYAO ay dhiira gelin ugu sameyneysay maxaabiista ku jirta Xabsiga, isla markaana dareensiineysa qiimaha ay leedahay Xornimada, iyadoo Koobkii lagu maamuusayay Tartankaas ay ka wada qeyb galeen ilaa lix kooxood oo laga soo kala xulay Maxaabiista ku jirtay Xabsiga.

Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Finalka waxaa isugu soo haray Kooxo ku kala ciyaarayay magacyada SYAO 2 iyo June 2, waxaana ku guuleysatay Koobka kooxdii ku ciyaareysa magaca June 2 oo hanatay koobkii loogu magac daray Todobaadka iyo Xornimada Soomaaliya.

Munaasabadii xeritaanka oo aheyd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo ka dhacday gudaha Xabsiga ayaa waxaa khudbado u badnaa dhiira gelin iyo hambalyada Maalinta Xornimada Soomaaliya ka jeediyay Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay, oo bogaadiyay in tartan is dhex gal bulsho loo sameeyo Maxaabiista ku jirta Xabsiga si aanay u niyad jebin.

Gudoomiyaha Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO Maxamed Cajiib oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Tartankan ay u qabteen ujeedooyin badan, isagoo xusay in ugu horeyn muhiimada ay aheyd in la xusuusiyo dhalinyarada ku jirta Xabsiga qiimaha ay leedahay Xornimada iyo Nabad.

“Ugu horeyn waxaa farxad ii ah in maanta dhalinyaradii xabsiga ku jirto, inaan tusno waxa ay tahay Nabada iyo is dhex galka bulshada, waxaa kaloo dareensiinay qiimaha xoriyada, ma ahan kaliya in qofka xabsiga ku jiro inuu isu heysto in bulshada intiisa kale aan lala noolaan karin, hadii uu qol ku jiro, maantana waa ujeedaan is dhex galkan wuxuu kaalin ka qaadanayaa niyadooda, dhiira gelin waa u tahay, waxaan balan qaadeynaa in dhalinyarada xabsiga ku jirta inaan wacyi gelin iyo aqoon kororsi u sameyno, si aanay mustaqbalkooda uga quusan”ayuu yiri Mr Cajiib oo khudbad dhiira gelin u jeediyay dhalinyarada ku jirta Xabsiga.

Mr Cajiib ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ururkooda ay diyaar u yihiin inay raadiyaan xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan, isagoo xusay in tartamada Isboorti uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay xuquuqdooda ku helaan dhalinyarada, waxaana uu tusaale u soo qaatay in Tartankan ay u qabteen dhalinyarada Xabsiga ku jirta, si aan loo ilaabin.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa uga mahad celiyay doorka SYAO ka qaadatay horumarinta dhalinyarada iyo barnaamijyada wacyi gelinta, isagoo tartankan loo qabtay dhalinyarada ku sifeeyay mid sare u qaadaya niyada dhalinta xabsiga oo noloshooda ay dib u soo laaban karto, isagoo xusay in qofka dambiga galay ee xabsiga ku jira uu yahay Bani’aadam, laakiin loo baahan yahay in aanu dambi kale gelin, hadii uu soo dhameysto mudada uu xabsiga ku jiro.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Ilaalada Xabsiga Jen. Xuseen Xasan, oo soo dhoweeyay tartanka loo qabtay dhalinyarada Xabsiga ku jirta, inay qeyb ka tahay tartamada is dhex galka bulshada oo aan kaliya ku sineyn dadka xorta ah ee dibada jooga, kuwa xabsiyada ku jirana ay mudan yihiin.

Ugu dambeyn Ururka SYAO ayaa waxaa uu abaal marino kala duwan gudoonsiiyay Kooxdii ku guuleysatay Tartankan iyo dhamaan kooxihii ka qeyl balay, waxaana abaal marinada ay ahaayeen kuwo lagu muujiyay in aan la ilaabin, isla markaana dhalinyarada qaar waxay ahaayeen kuwo aan intii xabsiga ku jireen muddo sanado ah aan Kubad ciyaarin, waxaana wajiyadooda ahaayeen kuwo farxad iyo reyn reyn ka muuqatay


 


 


 


 


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.