Tarsan: “Ummadani waxay awood uleedahay ineey Muqdisho kadhigaan sida Nairobi oo kale”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo xalay qudbad dheer kajeedinayay munaasabad kadhacay degmada Hodan oo lagu soo dhoweeynayay Sanadka cusub 2013-ka ayaa bulshada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah ugu baaqay ineey wadankooda dib ugu soo laabtaan.

Tarsan, waxa uu sheegay in ummada Soomaaliyeed ay awood uleeyihiin in magaalada Muqdisho ay u dhisaan sida Nairobi oo kale iyo Islii.

“Ummadani waxay leedahay awooda ay South Afrika ku dhiseen, waxay leedahay awooda ay Tanzania ku dhistay, waxay leeyihiin awooda ay Imaaraadka malaayiinta dollar ku galiyeen, intaasoo dhana waxaa astaahilo in magaalada Muqdisho lagu soo celiyo laguna dhiso” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada hadii ay maalgashtaan magalada Muqdisho ay si dhaqso ah faaii’do uga helayaan lacagtii ay maalgashteen.

“Magaalada Muqdisho ninkii ku maalgashta 100,000$, isbuuc gudihiisa waxa uu helayaa 200,000$” ayuu yiri Tarsan.

Ugu danbeyntii gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ganacsatada ku nool wadamada South Afrika iyo Kenya ugu baaqay ineey kusoo laabtaan magaalada Muqdisho, ganacsigoodana halkaan usoo wareejiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here