Tarsan: Qurba-joogta ugu baaqay ineey tabarucaan dadka uu saameeyay Fataahada W.Shabelle+Dhagayso

DSCF4247Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa ugu baaqay Qurba joogta kasoo jeeda labada shabelle iyo Gobolka Banaadir inay ku tabarucaan dhaqaalo dadki uu saameyey fatahaadii wabiga shabelle.

Waxa uu sheegay inay si gaar ah uga codsanayaan dadka Somaliyeed ee kusugan dibada ee kasoo jeeda Shabellaha dhexe,Shabellaha Hoose iyo gobolka Banaadir inay gurmadka gar gaarka ah ka qeyb qaataan ee shacabka fatahaada harqisay loo caawiyo.

Gudoomiyaha gobolka Shabellaha dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa waxa uu sheegay in fatahaadii ku dhufatay gobolkaasi deegaano katirsan ay hadda ka dhasheen cuduro nuucooda la aqoon oo dadkana ugeeriyoonayaan.

 

Halkaan ka dhagayso Codka Tarsan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here