Tarsan: ‘Qasab ayaa looga saarayaa hadii dadka ay ka bixi waayaan guryaha dowlada’

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nur Tarsan ayaa sheegay in dowlada ay xoog uga saari doonto cidi diida in ay ka baxaan guryihi hore ee dowlada.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu ku sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha loogaga saarayo qoysaska sharci darada ku dagan dhismooyinki hore ee dowlada iyo kuwa ka dhaxeeya mujtamaca ee ku yaala magaalada Muqdisho.

“Xoog iyo qasab baa looga saarayaa hadii ay ka bixi waayaan guryaha dowlada, qofka haduu diido inuu sharciga u hogaansamo taasi ma soconeyso halkaan waxaa ka jirta dowlad,”
ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in dowlada ay go,aan ku gaartay in ay ka leexato dhismooyina aysan u heynin mashaariicda dadka daganna ay kusii noolaan doonaan, hase yeeshee ay ka saarayaan guryaha ay qarashaadka u heleen si loo dayactiro.

“Waxaa la gaaray waqtigi hantida umada laheyd ee canshuurtoodi lagu dhisay dib loo soo celisyo, waxaan qaadanay laba shardi,. meesha koowaad waxa waayey in aanan dadka laga saarin meel aanan lacag loo heynin, tan labaad waa in dadka laga saaro meelaha aan u heyno qarashka iyo mashaariicda ay nasiiyeen dalalka noo soo gurmaday ee walaalaheena ah,” ayuu yiri.

Ugu danbeynti dadka kirada ku daganaa guryihi hore ee dowlada ee laga saaray iyo kuwa hada dagan ayuu ugu baaqay in ay kireystaan guryaha kale ee dadka rayidka ah leeyihiin maadaama mar walba lacag laga qaadayo.

“Waxaad ogaataa in guryaha ay kiro ka qaadan jireen haatana ka qaataan dad qabsaday mar hore, marka dadka waxaan leeyahay hadii aad awal kiro ka dhiibi jirteen iska bixiyo guryo kale oo kireysta,”

Dowlada ayaa wado qorshayaal ay guryihi dowlada uga saareyso dadka, waxaana maanta oo ugu danbeysay gacantooda soo galay Bacadlihi hore ee Xamar Weyne.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.