Tarsan oo wasaarada waxbarashada ku eedeeyey in ay kireysaneyso guryihi laga bixiyey dadka rayidka ah

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku eedeeyey wasaarada waxbarashada ee dowlada KMG Soomaaliya in ay hey’ado ka kireysato iskuuladi iyo guryihi laga bixiyey dadka rayidka ah.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa bilooyinki lasoo dhaafay qaaday olole ay dib ugu soo celineyso guryihi hore ee dowlada iyo kuwi ka dhaxeeyey dadweynaha, kuwaas oo ay 20-ki sano ee lasoo dhaafay deegaan ahaan u daganaayeen dad rayid ah.

Isaga oo maanta la hadlayey warbaahinta, ayuu Tarsan sheegay in ay ka digayaan in dib loo kireeyo oo la dajiyo hey,ado xarumihi dowlada gaar ahaan iskuulada oo uu ku eedeeyey wasaarada waxbarashada in qorshahaasi ay wado.

“Waxaad ogtihiin in aan ku bixinay waqti iyo qarash in guryaha iyo iskuulada laga saaro dadka, hada guryihi ayaa la rabaa in hey’ado laga kireysto, walaahi in aanan ka aqbali doonin in wasaarada waxbarashada ay hey’ado ka kireysato, war kuwi gaajeesnaa maxaa looga saaray aaway iskuuladi dadweynaha,” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in ay waajibtahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha gaar ahaan iskuuladi waxbarashad ee ay dowlada ka saartay dadki horay u daganaa.

Waxaa haatan dayactir iyo dhismo ku socdaa xarumo badan oo laga saaray dadki daganaa, halka qaar kalana la gaba gabeeyey, hase yeeshee wali ma jirto iskuul ay dowlada si lacag la,aan ah ku furtay oo ka mid ah meelihi la dayactiray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.