Tarsan oo u jawaabay Cade Gaabow

Iyadoo dhawaan uu duqi hore ee magaalada Muqdisho Cade Gaaboow si kulul u weeraray gudoomiyaha gobolka Banaadir ee xiligaan ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Inkasta oo uusan magaciisa soo hadal qaadin hadana warka Tarsan waxa uu si toos ah u labisnaa shaar jawaab celin u ahaa hadalki Cade Gaaboow.

Tarsan ayaa sheegay in ay jiraan dad ka xun inuu yahay duqa magaalada Muqdihso, isaga oo intaasi raaciyey in aysan jir cid si gaar ah xaq ugu leh maamulida magaalada Muqdisho iyo gobolka Banaadir balse ay qof kasto oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu noqon karo duqa magaalada Muqdisho.

“Marka ugu horeysa yaa gobolkaan inuu maamulo xaq u leh, waxaa xaq u leh qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ma jirto dad u gaar ah ma jirto, hadii la gaaro waqtiga codka ee dadku qof kasta hal cod leeyahay, waxana ku tusayaa kuwa dhahaya Tarsan xaq u malahan, in aan afar jibaar uga adkaado gobolkaan hadii aan la tartamo, taasi marka waxay cadeyneysaa in magaaladaan ay dooraneyso qofki ka naxayo ee garanaya horumarka dadka iyo dalkaba,” ayuu yiri.

Dhanka kalana Tarsan waxa uu wax waali ah ku tilmaamay maamul goboleedyada ay shaqsiyaadka iyo kooxaha jaga doonka ah kaga dhawaaqayaan dalka iyo dibada.

“Waxaad u maleysaa dadka Soomaalida in ay waali madaxweynanimo ay ku dhacday, waxaad arkeysaa in nin hotel intuu yimaado 20 qofood qado siiyo kadibna dhahaya waxaa ley doortay madaxweyne deegaan, waliba waxaa roon kuwa Xamar yimid, laakin waxaa ka daran kuwa jooga London, America, iyo Yurub, waxaasi waxay ka mid yihiin waalida xaga dhimirka ah ee ku dhacay dadka Soomaaliyeed qaarkood waayo qof aanan madaxweyne aheyd ee ku farxayo marki loogu yeero waxaan dhihi karaa waa qof waalan,” ayuu yiri.

Tarsan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah gudoomiyaashi ugu wax qabadka badnaa ee soo mara magaalada Muqdisho 20-ki sano ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Waxan u maleynaya nin walbo taariikhda ayaa xusi doonta, Cade gaaboow iyo rag kale oo u nasbo sheegto Xamarne, waa taariikh, xataa Faroole waxow ka mid yahay dadka dhahaayo xamar anaa leh, marka xamar waxaa leh muwaadinkii hormarkeeda ka shaqeeyo, maaha jilib ama qabiil gooni eh. ViVa Tarzan

Comments are closed.