Tarsan oo Muqdisho kusoo laabtay

Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Jarmalka.

Wafdiga uu hogaaminayay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku tagay magaalooyinka dalka Jarmalka kadib markii uu casuumaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Booqashada duqa Muqdisho uu ku gaaray cariga dalka Jaramlka ayaa waxa   uu kulamo kala gadisan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka   Jarmalka iyo Jaaliyado kale oo ka kala yimid waddamada Yurub, waxeyna kawada hadleen xaalada magaalada Muqdisho iyo horumarada ka socda.

Mudan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi kooban saxaafadda ku  siiyay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in kulamo   kala duwan uu lasoo qaatay Jaaliyadda Soomaliyed ee dalka Jarmalka  islamarkaana uu ka codsaday iney ka qeyb qaataan dib u dhiska   magaalada Muqdsiho ka socda iyo soo celinta adeegyadii bulshada.

Waxaan kala hadalnay Jaaliyadaha Soomalaiyeed ee dalka Jarmalka aan kula kulanay iney qeyb weyn ka qaataan dib udhiska waddooyinka   magaalada Muqdisho?  ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud   Axmed Nuur Tarsan.

Safarka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu  kutagay dalka Jarmalka ayaa waxaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee   carrigaasi ku dhaqan ay balan qaadeen iney ka qeyb qaadan doonaan dib udhiska dowladda hoose ee Muqdisho ay waddo iyo horumarinta adeegyada   bulshada.

Waxaana safarka duqa magaalada Muqdisho iyo xubnihii wafidigiisa ka   midka ahaa ugu soo dhamaaday guul, iyagoona maanta dalka dib ugu soo   laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo   dhoweeyay saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Xidhibaano, iyo dadweynaha gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.