Tarsan: “Koobiga foosha xun ee dastuurka hadaan Muqdisho ku arkin waan gubeynaa”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si kulul u weeraray dastuurka qabyo qoraalka iyo kooxda soo diyaarisay.

Tarsan oo u adeegsaday dastuurka wax fool xun ayaa si qeyla ah oo caro ay ku dheehantahay u sheegay in hadii aanan magaca magaalada Muqdisho lagu arkin uu gubi doono sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaanan Muqdisho aanan ku arkin koobiga foosha xun waan gubeynaa, in nala qeybiyaa la rabaa ee arintaan yaanan ku dhayalsan waa in Muqdisho laga arkaa dastuurkaan, malaayiin ayaa lagu bixiyey buugaasi xunka ah,” ayuu yiri.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay dadka reer Muqdisho qaarkii la yaabaan hadalada qeylada ah iyo xad ka baxa ah ee uu ka sheego munaasabadaha uu ka hadlayo ayaa ku jees jeesay soo diyaariyaasha dastuurka.

“Kuwa qorayey Dastuurka hadii ay fahmi waayeen sida loo qoro Muqdisho waa hingaadinaynaa ee iga daba dhaha Muqdisho, afsoomaaliga hasoo bartaano dastuurka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey.

Dhamaan qudbooyinki uu ka jeediyey Muqdisho duqa magaalada Maxamuud Tarsan waxa ay ahaayeen kuwo uu wax uga sheegayey dad kala duwan ama koox, taasi oo dadka wax ka yaqaanaa siyaasada ku sheegeen inuu ku weyn karo taageerayaal badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

8 COMMENTS

  1. HADDII AY ISKU DAYAAN IN AY XAMAR XAQIRAAN WAXAA KA QAXAAYO OO AY DHIBEYSO WAA KUWA QAXOOTINIMO KU YIMID, TARSAN NA DHULKIISA AYUU JOOGAA XAMARNA ISAGA IYO TOLKIISA AYAA LEH, EE NINKII GOBOLKALE KA YIMID EE RABA IN UU XAAARAAN KU NOOLAADO WAA KA SUN IYO WAABAAYO, DHUL NIKIISA AYAA ISKA LEH NIN WLBOOW GOBOKAADA AAD.

  2. Waali iyo caqlixumo iyo laab la kac waan kugu ogaa iyadoo ay Agoosto tan tahay oo aad ogtahay inaad dariishada ka bixidoonto ayaad xaladadaada sii xumaynaysaa (xisaabuxilmaleh ayaa ku sugeysa)Maskaxdaada hadii uu qabiil ka guuxayo ogow inaad baaristu hadeerba kugu socoto

  3. asc waa in runta la isu sheegaa hadaanan lagu qiri waa lagu quustay ee runbaad sheegtaysan laakin arni waxeey u taal doqomada hawiye ee madaxda isu soo sharxaayo mugdisho ist for ever……..casimad

  4. asc waxaanba jeclaan lahaa inaat noqoto madax weynaheena soomaliyeet mr tarsan guuleyso waligaa soomaalidu baryo wax kuma lahan horaa loogu daalay indha ushido cidii kasoo horjeesatana abaalkeda mari mr nuur tarsan kunoolow cimdheer iyo caafimaatba

  5. saxiib tartiibso waxaa ku wareeriyey labadaan jago culayskooda gudoomiye gobol iyo duqa magaalada xamar shariifka aad ayuu kuugu roonaaday ma arkin nin kaa nasiib badan oo qurbe joog ah saaxiibadaa weli waxay fadhiyaan CAFEGA .

  6. ASC! Salaanta islaanka ka dib waxaa wax lala yaabo ah ninka musulka ah waxa afkiisa ka yeeraya xataa masuliyada ma yaqaano uu hayo waxa ay tahay wax wax walba waa adiga leh muqdisho dalka intiisa kale meday maxaase dastuur dal dhan loo sameeyay aad uga dhex raadineysaa muqsihu moqdisho wixii soomaliya abaaraha loogu talo galay iyadey gashay meeday yaa kugula xisabtamey waa iyada dadkii wali gaajo u dhimanayaan wax ilaah ka cabso oo wax isku fal mise waalidii la sheegayey eed ku waalneyn UK ayaa dhab ah hadaad masul tahay waala xishoodaa ee sidii markaad calamada gubeysay lama qayliyo….

  7. tarsanow magacadda ha jiro ..walahi reer muqdisho dhan aya ku taagersan 3million oo shacab eh taageeradeed aya heesataa … waxas dastuur ma eh waa wax faroolo soo dhoob dhoobtay ..ee dastuurki saxda aha waa yaal oo ay qoren gudiga madax banaan ..

Comments are closed.