Tarsan oo la kulmay gudoomiyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  maanta shir guddoominyay shirka guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee  gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ay Sabti kasta ku  yeeshaan xafiiska duqa Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa doorka lagu saaray labo qodob oo kala ah Amniga,  nadaafadda, waxaana la isla jeex jeexay sidii loo sii dardar gelin  lahaa Amniga caasimadda iyo Nadaafadda.

Ugu horeyna waxaa shirka furay duqa magaalada Muqdisho ahna  guddoomiyaha gobolka, wuxuuna Hambalyo udiray qeybaha kala duwan ee  ciidamada qlabka sida iyo guulaha ay ka gaareen dagaalada.

Intaas kadib ayaa waxaa si weyn looga dooday sidii Amniga degmooyinka  gobolka Banaadir loo sii adkeyen lahaa, islamarkaana Nadaafadda loo  sii dardar gelin lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa warbiixno ka dhageystay dhamaan guddoomiye yaasha  degmooyinka xaaladaha dhabta ah ee ka jira degmo kasta xaga Amniga iyo  Nadaafadda.

Kadib warbixino ay siiyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho guddoomye yaasha degmooyinka oo ku aaddan xaga Amniga iyo  Nadaafadda ayaa waxaa la go?aamiyay in degmo kasta ay keensato  50-haween ah kuwaasoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona Nadaafadda  degmada.

Gabagabadi kulankaas ayaa waxaa soo xiray mudane Maxamuud Axmed Nuur  Tarsan duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoona kula  dardaarmay guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee gobolka iney masuul ka yihiin Amniga iyo Nadaafadda degmadooda, loona baahan yahay iney sii  laba jibbaaraan.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.