Tarsan oo ku baaqay marka la gaaro 10-ka September in Madaxweyne KMG ah la magacaabo

Tarsan
Tarsan

Shir magaalada Muqdiso hadda uga socda siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadda ee Muqdisho ka dhisan ayay ku baaqeen in xilka madaxweynaha si KMG ah loogu wareejiyo guddoomiyaha Baarlamaanka marka uu dhammaado xilliga madaxweyne Xasan Sheekh oo u eg 10-ka Septembar.

Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo shirka ka hadlaya ayaa sheegay in sharciyadii Xasan Sheekh ay ku eg tahay 10-ka September 2016 wixii ka dambeeyana ay tahay inuu kursiga banneeyo, si kumeelgar ahna uu xilka madaxweynaha u qabto Guddoomiyaha Baarlamaanka inta laga soo dooranayo madaxweyne.

Shirka ay xisbiyada madaxda siyaasadda ay ku leeyihiin Muqdisho oo weli soconaya ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu Muqdisho kasocdo shirka Madaxda Madasha Qaran oo go’aan looga gaaray qabsoonidda doorashooyinka 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here