Tarsan oo galabta ka furay degmada Wardhiigleey tartan kubada cagta(Sawiro)

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka, taliyaha qeybta Bartamaha iyo boqolaal shacabka degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa galabta lagu qabtay gudaha garoonka Munashiibiyo.

Waxaana munaasabaddaasi hadlo ka jeediyay guddoomiyaha degmada Wardhiigleey marwo Deeqo C/qaadir Axmed, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Siciid Mugaabe, kuxigeenkiisa Mudane Durraan, guddoomiyaha degmada XamarJajab mudane Maxamed Cali Axmed, marwo Jawaahir Baarqab oo ku hadashay magaca ururka haweenka ee bilic soo celinta iyo gunaandukii xafladdasi oo uu soo xiray duqa magaalada Muqdihso ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Masuuliyiinti xafladdaasi ka hadashay ayaa dhamaantood iftiinshay
doorka dhalinyada iyo ciyaaraha iyagoona sheegay in amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay wax weyn ka baddali karto tartamada ciyaaro ee dhawaanahanba ay marti galinayeen qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey oo furitaankii xaflad galabta lagu furayay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo ay ka qeyb qaadanayaan kooxo ka kala socda 16-degmo ee gobolka Banaadir kuwaaso si rasmi ah galabta uga furmay garoonka Munashiibiyo ee degmada Wardhiigleey.

Ayaa sheegatay in degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay u rajeyneyso iney qabtaan ama marti galiyaan tartamo noocan oo kale ah si isdhex galka dhalinta iyo sugidda amniga loo sii arkeeyo.

Ka sokow xafladda galabta uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu ku furay tartanka kubadda cagta ee kooxo kala matalaya degmooyinka gobolka oo dhan uga bilowday degmada Wardhiigleey ayaa waxa galabta la ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee tartankaasi.

Waxaana galabta foodda is daray laba kooxood oo kala kala socday degmooyinka Wardhiigleey iyo Hurwaa, kuwasoo lagu kala magacaabo Dalbile VS SoS waxeyna ciyaartaasi oo aheyd mid xamaasad badneyn ku soo idlaatay barbar dhac 2-2.

Maalinta barri ah ayaa lagu wadaa iney wada ciyaaraan 4-kooxood oo kala ah Alba VS Qodxaaley iyo ciyaarta dambe oo ay wada baratami doonaan kooxaha XamarJadiid VS KM4.

Tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee dhawaanan ka socday magaalda Mudisho oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa noqday kuwo soo jiitay indhaha shacabka Soomalaiyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadda.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu soo qaban qaabiyo tartamo ciyaaro ku wasoo looga gol leeyahay sii adkeynta xiriirka iyo isdhex galka qeybaha bulshada reer Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com