Tarsan: “Magaaladan Muqdisho Juuj kamaa Juuj Malahan ee Bilicdeeda ka Shaqeeya”

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sheegay in magaalada muqdisho ay isbadal wanaagsan laga dareemayo islamarkaana baaq udiray shacabka reer muqdisho.

Mudane Tarsan waxa uu dadka dhistay marsha biyeediga guryahooda hortooda ka codsaday inay joojiyaan oo magaalada quruxdeeda ka qeyb qaataan in ku filan cabirka guriga aan qofkana usoo talaabin wadada dadka kawada dhaxeysa.

“Magaaladan muqdisho Juuj kamaa juuj malahan ee bilicdeeda dib shacaboow usoo celiya, muqdisho way dhismeysaa waxaana aaminsanahay in shacabka muqdisho ay ka qeyb qaadan dooonaan hormarka bidhaamay ayuu yiri Tarsan”.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur waxa uu sidoo kale sheegay in xitaa dib usoo laabashada dadka qurba joogta ay aad uwanaagsan tahay marka la eego qaabka ay wac usocdaan iyo siday uga qeyb galayaan dhismaha caasimada Muqdisho.

Hadalkaan kasoo baxay gudoomiye Tarsan ayaa qeyb ka ah mid bogaadin ah oo shacabka somaliyeed ee muqdisho ku dhaqan dhawr jeer ayuuna sheegay kuna dhiiri geliyey shacabka inay dhismaha muqdisho ka shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here