Tarsan: “Jufo kaliya doowlad goboleed ma noqon karto”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo maanta hadal ka jeedinayay Xaflad lagu aas aasayay urur ay ku mideeysanyihiin Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Muqdisho, ayaa sheegay in dadka doonaya ineey samaystaan doowlad goboleedyo ay yihiin Jufooyin doonaya ineey noqdaan doowlad goboleed.

“Kuwa doonaya ineey doowlad goboleed noqdaan, waa jufooyin doonaya ineey doowlado noqdaan, taasna suurtagal maahan, waana musiibada ummadaan ku habsatay, waxaana wax ka qaban kara Ardaydiina wax baratay, waaa inaad u istaagtaan bad baadinta dalkaan iyo umadaan qabiilka feeraha ka dagay” sidaa waxaa yiri gudoomiye Tarsan oo hadal kooban ka jeedinayay xaflad ka dhacaysay hotelka City Place, islamarkaasna lagu aas aasayay Urur ay ku mideysanyihiin ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Muqdisho.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dhalinyarada wax baratay ay yihiin kuwa kaliya ee dhibaatada Umada Soomaaliyeed ka saari kara, waxa uuna ku booriyay ineey isku dayaan ineey fikrado wanagsan iyo talooyin kusoo kordhiyaan dalka.

“Dalka Japan, malahan kheeyraad, waad lasocotaan 1945 markii looga guuleystay dagaalkii 2aad ee aduunka, wax alaale iyo wixii Combuters iyo hanti ay lahaayeen waxaa qaatay Mareeykan,hadana saas oo ay tahay 10 sano gudahooda waxay tartan kula jireen dunida hor martay iyagoon lahayn kheeyraad laga soos aaro wadankooda, hadana horumarkaas waxay ku gaateen kheeyraadka Bashariga ah oo la hor mariyay, anagana waxa noogala baahanyahay inaan hormarino kheeyradka Bashariga, oo aan dhalinteena wax barno” ayuu yiri gudoomiye Tarsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Yaaba haynaa mudulka qof kale tartan noogelikarto runta saas u sheegi hay waxaad jeceshahay in aad Somali hagaajiso ha ilaabin cidaada waxey mid yihiin Somalida ee wax la qabo waxaan u baahanahay gobal bal noo dadaal adoo dad dulmineeyn waxaan ku noolnahay waa dulmidiidka aa nahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here