Tarsan: “Dhul lacag la’aan ah ayaan siineeynaa cidii warshad ka furaneysa Muqdisho”

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada dalka uu ku dhiira gelinayo inay sameeyaan ganacsiyo xoog leh oo lagu hormarinayo magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay inuu ganacsatada ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan magaalada muqdisho islamarkaana ay furaan warshado yar yar oo dalka anfacaya wax soo saarna leh.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale balanqaaday in qofkii magaalada Muqdihso kasameysanaya warshad uu maamulka Gobalka Banaadir siinayo dhul lacag la,aan ah intii uu doonaba.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tibaaxay in ganacsatada Soomaalida aysan laheyn wax soo saar dalka gudahiisa ah marka laga reebo allaabaha dalka dibadiisa laga keeno.

Hadalka kasoo yeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ganacsatada soomaaliyeed ku dhiiri galin doona ineey warshado kafurtaan dalka gudihiisa qaasatan magaalada Muqdisho,waana talaabo hurumar leh oo uu maamulka gobolka Banaadir ku talaabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here