Tarsan: ‘Dagaalka Soomaaliya wuxuu noqday caalami’

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in dagaalada ka socda Soomaaliya ay isu rogeen caalami kadib isku biiristi Shabaab iyo Al Qaacida.

Tarsan oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay haatan joogaan gabi ahaanba dagaalyahano caalami ah oo raba in ay ka dhigtaan Soomaaliya hooy ay ku gabadaan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in isbaheysiga NATO iyo quwadaha aduunka ay Al Qaacida kula dagaalamayaan mudo 11 sana ah dalka Afganstan sidaasi daraadeedna Soomaaliya ay u baahnaan doonto in aduunyada ay kala qeybqaadato dagaalka ay dowlada KMG iyo dowladaha xulufada la ah kula jiraan Al Qaacida.

Ugu danbeynti wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay in ay ka qaado dalka Soomaaliya cunaqabateynta dhinaca hubka si buu yiri ay dowlada u hesho kaalmooyin xaga milatariga ah.

Todobaadki hore ayaa Al Qaacida waxay ku dhawaaqday in ay isla midoobeen ururka Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.