Tarsan: Cali ‘Dheeroow wixi danbi ah ee dalkaan ka dhacay waad sheegataye xageed gali doontaa’

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bartilmaameed noqon doonaan hogaamiyaasha Al Shabaab ee hada ku biiray ururka Al Qaacida.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Wadajir ayuu kaga hadlay isku biiradi dhawaan ee Al Qaacida iyo Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Al Shabaab uu hada kadib ilaalo ka dhigan doono rag cadaan ah oo ajnabi ah inta soo hartana la dhameyn doono sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in ku buurista Al Qaacida ay keeni doonto in ay Reer Galbeedka beegsadaan madaxda Al Qaacida iyo Al Shabaab ee jooga Soomaaliya

“Cali Dheeroow wixi danbi ah oo dalkaan ka dhacay waad sheegatay ee xageed gali doontaa, Ina Godane wuxuu hoosta ka galay Al Qaacida, raga kalana cidluu uga tagay marka kuwaasi mar dhaw qoortooda ayaan naloo keenayaa,” ayuu yiri Tarsan.

Madaxda dowlada oo siyaabo kala duwan uga hadlay ku biiristi Al Shabaab ee Al Qaacida ayaa ku tilmaamay arrin horay loo filayey oo aanan waxba soo kordhin doonin.

Al Shabaab ayaa aaminsan in la midoobida Al Qaacida ay ku dhalineyso fir fircooni iyo dhiiranaan cusub, waxaana ay wacad ku mareen in ay sii laba laabi doonaan dagaalada ay ka wadaan dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.