Tarsan: “Al Shabab wax badan ayey dadka casiin jireen laakin maanta iyaga ayaa cabsanaya”

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa cod adag ku sheegay in la gaaray waqtigi ay cabsida iyo baqdinta soo wajahi laheyd madaxda Al Shabaab kadib lacagihi uu Mareykanka dul saaray madxaha 7 mas,uul oo ugu sareysa ururkaasi.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan la gaaray waqtigi cabsida iyo kurbada kori laheyd Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
“Wax badan ayey dadka cabsiin jireen laakin maanta iyaga ayaa cabsanaya waxaan leenahay ka towbad keena dadki ay leyseen iyo inti aad miinooyinka u dhigteen, ILAAH ayaa danbiga dhaqee ALLE u towbad keena oo dadkiina kusoo laabta,”

Qudbadiisa oo inta badan ka hadleysay fal cilinta sida uu u arko lacagihi la dul dhigay Al Shabaab ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaalanta Al Shabaab in ay ka baxaan oo ay hubka dhigaan.

“Godane idiinma horseedin meel janno lagu galaya ee wuxuu idiin horseeday meel cadaab lagu galayo ee ciyaalka yar ee la lumiyey waalidkooda iyo iyagaba waxaan ugu baaqayaa in ay kasoo laabtaan”.

Ugu danbeynti Tarsan ayaa ka codsaday dadka ku nool gobolka Banaadir in ay ilaaliyaan amaanka iyo nadaafada degmooyinka, isaga oo ku faanay in maamulkiisa uu ku howlanyahay sidi Muqdisho loogu heli lahaa biyo nadiif ah koronto joogta ah iyo amaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.