Tarsan: “5maalin ayaan Maryan Mursal ugu soo celineeynyaa gurigeeda”

Gudoomiyaha G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in mudo 5 maalin gudahooda ah ay Maryan Mursal ugu soo celinayaan guri ay ku lahayd degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, hadii ay dalka dib ugu soo laabato.

Hadalka gudoomiyaha ayaa Jawaab u ahaa hadal dhawaan kazoo Yeeray Maryan Mursal Ciise, oo ah fanaanad Soomaaliyeed, haatana ku nool dalka dibadiisa, Maryan Mursal, ayaa sheegtay ineeysan Muqdisho kusoo laabaneen ilaa iyo inta xoog lagu haysto gurigeeda oo ku yaal xaafada Baar-ubax ee degmada H/wadaag.

Tarsan, ayaa sheegay in hadii ay Fanaanada timaado Muqdisho, ay mudo 5 maalin ah ugu soo celinayaan gurigeeda, sidoo kale gudoomiye Tarsan, ayaa sheegay in qof walboo muwaadin Soomaaliyeed ah, iyo xitaa hadii uu ajnabi ahaa gurina ku leeyahay magaalada Muqdisho, hadii xoog looga haystay uu maamulka si deg deg ah gacanta uga saari doono.

“…Maryan Mursal, haday timaado 5 maalin gudahooda gurigeeda wey dhax dageeysaa, imaaw baan leenahay oo dhex dag gurigaada, qof kastoo Soomaali ahna waa sidaas, Maryan Mursal u gaar maahan, xitaa haduu Hindi yahay oo uu Muqdisho guri ku leeyahay, gacantaan ka saareeynaa hayimaadaan…” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha G/banaadir Tarsan.

Maryan Mursan, ayaa kusoo laabashada Muqdisho, shuruud uga dhigtay in marka hore laga saaro dad xoog uga haysta guri ay ku lahayd xaafada Baar-ubax ee degmada H/wadaag.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkii danbe ay magaalada Muqdisho soo gaarayeen fanaaniin caan ka ah dalka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin, Farxaan Xidig, Lafoole, Kin Khaalid, Faaduma Duur, Saynab Labadhagax iyo fanaaniin  kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here