Taraafikada oo ka shaqa bilowday Ceelasha iyo Afgooye

Ciidamada taraafikada ayaa marki ugu horeysay mudo sanada ah kadib ka howl bilaabay deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah xarunta ugu baalaran deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa ah halka ugu badan ee haatan la geeyey ciidanka nabadgalyada wadooyinka.

Cali Xirsi Bare (Cali Gab) oo ah taliyaha ciidanka Taraafikada dowlada KMG Soomaaliya ayaa in howsha ay ka bilaabeen deegaanada Lafoole, Ceelasha iyo Afgooye ay tahay sidi ay ugu shaqeyn lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Wuxuu sheegay in ay ka howlgali doonaan meel walba oo ka tirsan Soomaaliya oo ay dowlada KMG Soomaaliya qabsato.

“Meel walba ciidamada Taraafikada waan geyneynaa, Ceelasha, Lafoole iyo Afgooye waan geynay hadii Marka aan qabsanana waan geyneynaa,” ayuu yiri.

Taraafikada ayaa dhaq shaqaaqoodii haatan dib usoo noolaanayaa, waxaase dadka ka shaqeynaya haatan ay u badanyihiin dadki hore oo ma lahan dhalinyaro tababaran.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.