Taraafikada iyo Jidadka Muqdisho

Ciidamada Taraafikada wadooyinka ee DKMG ah ee Somalia ayaa wadooyinka Muqdisho ka bilaabay howlgalo isugu jira, dhowrista hanaanka marista wadooyinka iyo ganaaxidda darawaliinta sharciga jebiya ama aan heysan ruqsadda wadida gaadiidka.

Saraakiisha Taraafikada ayaa sheegay in howlgalkani uu qeyb ka yahay diyaargarowga loogu jiro, shirka ansixinta dastuurka ee dhawaan ka fumaya magaalada.

Waa markii ugu horeesay oo ay ciidamada taraafikada wadooyinka ay si toos ah uga howlgalaan wadooyinka magaalada muqdisho,iyadoo lagu arkayo dhaman isgoysyada muhiimka ah.

Ciidamada taraafikada ayaa bari samaadkii waxay kamid ahaayeen ciidamada ugu muhiimsan ee ilaaliya nidaamka marista wadooyinka shaqadooduna waxay ahayd ineey qabtaan darawalki ku xadgudba marista wadadooyinka islamarkaasna ganaax ayay dul dhigi jireen, aad ayaana looga baqi jiray,waxayna adeegsan jireen motooyinka dheereeya, inkastoo hada darawalada kahowl gala magaalada muqdisho aysan wax tixgalin iyo ixtiraam ah siinin oo ay kabaqaan kan qoriga wata oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here